Dagaal ka bilowdey xarunta gobolka Mudug

Image

GALKACAYO, Puntland- Magaalada Galkacayo ayaa saaka waxaa ka bilowdey dagaal la iswaydaarsanayo qoryaha culus kaasoo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Wararka laga helayo saraakiisha ayaa sheegaya in dagaalkaan laga bilaabay dhinaca maamulka Galmudug kuwaasoo la sheegayay in maalmahaan diyaargarow ka sockeye. 

Dowlada Puntland ayaa beenisay inuu jiro hehsiis balse qirtey inuu jiro xiriir wasiirada labada maamul dhexmarey.

Madaxweynaha Puntland oo iminka ku sugan dalka Ethiopia kadib markii uu ka soo noqdey safar uu ku tagey dalka Imaraadka Carabta ayaa weli xafiiskiisu ka hadlin inuu jiro wadahadal dhexmarey madaxweynaha maamulka Galmudug.

Wasaarada arimaha dibada dalka Ethiopia ayaa dhowaan shaaciyey inuu jiro heshiis 5 qodob ka kooban dhexmarey Puntland iyo Galmudug.

Warsidaha Garowe Online ayaa ahaa Warsidaha ugu horeeyey oo shaaciyey jirtaanka heshiiskaan dhexmarey madaxweyneyaasha labada maamul.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM