​Dagaal ka dhacay gobolka Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal xooggan oo u dhaxeeya mallayshiyaad habaysan oo kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa saaka ka dhacay deegaanka godob iyo qaybo kamid ah nawaaxiga magaalada Galkacyo sida ay sheegeen dad goobo joogayaal ah.

Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay inuu dabo joogo aanooyin qabiil oo horay uga dhex dhacay labada dhinac.

Arrintan ayaa ka shidaal qaadanaysa sida wararku sheegayaan dhacdo dabayaaqadii todobaadkii hore ka dhacay nawaaxiga deegaanka Godod iyo Gacmafale ee bariga gobolka Mudug, taasoo lagu dil saddex qof oo labo kamid ah ahaayeen Aabbe iyo wiil uu dhalay.

Dagaalka saaka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo laga maqlayay Galkacyo ayaa lagusoo waramayaa inuu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana wararka laga helayo jiida hore sheegayaan in dhimashada labada dhinac gaarayso lix ruux, dhaawacna jiro.

Majirto ilaa hadda cid ka hadashay labada dhinac oo muddooyinkii dambe waday olole nabadeed.

Dad badan oo shacab ah ayaa saamayn ku yeelatay dagaalka gobolka Mudug, waxaana mar kasta bur-bura heshiis ay gaaraan madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug iyadoo ay muuqato in dhibkan u dhaxeeyo dad shacab ah oo gobolkaas kuwada nool.

Ciidamo katirsan labada maamul ayaa lagusoo waramayaa inay ku baxeen goobta dagaalku ka dhacay.

Sannadihii u dambeeyay waxaaa gobolka Mudug hareeyay dilal, dagaallo iyo weeraro ka dhex dhacayay shacabka iyo maamullada kawada taliya gobolkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM