Dagaal ka socda degaano ka tirsan gobolka Mudug

Image

GALKACAYO, Puntland-  Wararka ka imanaya deegaanka Docolo oomane oo Koonfur bari kaga aadan magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in halkaas maanta ku dagaalameen xoolo dhaqato reer puntland ah iyo malayshoyo galmudug ka tirsan.

Sida ay xaqiijiyeen dadka Xoolo dhaqatada ah  ayaa sheegey in dagaalkaan  bilowday kadib markii malayshiyo Galmudug ah oo ku hubaysan 5 gaari oo kuwa dagaalka duulaan ku soo qaadeen. 

Khasaaraha dagaalka ayaa gelinkii hore ee maanta lagu sheegey 5 qof oo ka dhimatey kooxaha ka yimid Koonfurta Mudug  iyo 1 qof oo dhanka xoola dhaqatada ah. 

Waxaa jira dhaawac labada dhinac soo kala gaaray inkastoo tiro sax ah laga hayn. 

Dagaalka ayaa markale dib uga bilowday galabta waxaana la sheegey inay jiraan gurmadyo labada dhinac oo gaarey halka dagaalkaan ka socdo. 

Iska_hor imaankara ayaa bilowdey kadib markii Madaxweyne Gaas maanta ka dhoofey magaalada Galkacayo isagoo ku sii jeeda magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha oo muddo 17 cisho ah safar ugu maqnaa wadanka dibadiisa ayaa magaalada Galkacayo joogey maalin kaliya.

Wararka ugu dambeeyaan dagaalkaan kala soco Garoweonline 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM