​Dagaal kasocda magaalada Galkacyo, gobolka Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka socda magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug kaasoo u dhaxeeya ciidamo kala kala tirsan Puntland iyo Galmudug.

Dagaalka ayaa xoogaystay galinkii dambe ee maanta, balse waxaa ilaa saaka magaalada laga maqlayay xabado ka dhacay Qoryaha waaweyn ee Lidka diyaaraduhu ka mid yahay.

Wararka ku saabsan iska-horimaadkaasi ayaa sheegaya inuu ka socdo meel ka baxsan magaalada gaar ahaan halka Puntland ka dhisaysay dhisme loogu talo galay in xoolaha lagu dajiyo oo lagu magacaabo Laamaha.

Khasaaro kala duwan ayaa jira oo labada dhinac soo gaaray, balse goobaha caafimaadka waxaa la dhigay ku dhawaad 6 oo shacab ah kuwaasoo Xabadahu ugu tageen guryahooda.

Majirto cid katirsan Puntland iyo Galmudug oo ka hadlay dagaalkan ka socda xarunta gobolka Mudug.

Shacabka Galkacyo ee dagan labada qaybood ee Waqooyi iyo Koonfur, ayaa isaga qaxay dagaalka dhexmaraya ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Xukuumadda Puntland ayaa dagaalkaasi ku tilmaamtay mid ay daba ka riixayso dowladda Federalka Somalia kaasoo laga leeyahay dano siyaasadeed.

Waxay sidoo kale sheegtay in dowladda dhexe abaabushay dagaalka ka dhacaya gobolka Galgaduud inkastoo Galmudug ku eedaysay dowladda Puntland.

Khilaafka labada maamul ayaa muddo soo jiitamayay, waxaana waxyeellada ugu badan kasoo gaartaa dad shacab ah oo labada dhinac ku dhex dagaalamaan.

Sannadkii hore dabayaaqadiisii ayaa sidaan oo kale labada dhinac isu faro saareen, waxaana markii dambe dhexmaray hishiis ay garwadeen ka ahayd dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM