Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay gobolka Mudug

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal xoogan ayaa saaka ka dhacay dhanka Bari ee magaalada Galkacyo, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo mallayshiyaad la sheegay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab.

Dagaalka oo ka bilowda wabarigii bore  deegaanka Jeexdin ee Bariga Galkacyo ayaa wararku sheegayaan in lagu dilay ilaa 15 dagaalyahan oo ka tirsan kooxdaasi.

Waxaa sidoo kale jira baabuur ciidamada Puntland gubeen iyo kuwa gacanta lagu dhigay.

Mas'uuliyiin ku sugan deegaanka Godod oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamo ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay dagaalka kuwasoo sheegey in kooxdan  ka tirsanyihiin ururka Al Shabaab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in howlgal ciidan oo saacado qaatay lasoo afmeeray iyadoo ilaa hadda aan la xaqiijin khasaaraha dhinaca Puntland.

Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa ilaa shalay ka duwanayd jawigii hore, waxaan dul hee-haabayay diyaarado aan la aqoon.

Dad ku sugan goobaha lagu dagallamay ayaa xusey inay maqleen duqayn xoog leh, lamana oga inay gaysteen diyaaradaha hawada Galkacyo shalay ku sugnaa.

Majirto ilaa hadda cid ka tirsan Puntland oo ka hadashay dagaalka ka dhacay deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug.

Horraantii sannadkii hore ayay ahayd markii ciidamada Puntland jabiyeen mallayshiyaad soo duulay oo ka tirsanaa ururka Al Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid xilli duleedka magaalada Galkacyo ku dagallameen mallayshiyo beeleed Ku abtirsada Puntland iyo Galmudug.

Colaadahaas ayaa saameeya labada dhinac oo dhex taallo khilaaf xoog leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM