​Dagaal mar kale ka dhacay magaalada Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Xiisad colaadeed ayaa ka taagan magaalada Galkacyo xarunt gobolka Mudug, waxaana galinkii dambe maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamo kala tirsan Puntland iyo Galmudug.

Isku dhaca labada ciidan oo daba socda dagaal Jicmihii ka dhacay xarunta gobolka Mudug ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyadoo la isu habaynsaday xilli dagaalku socdo.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay, waxaana la xaqiijiyay geerida hal qof dhinaca Galmudug iyo dhawaca 4 ruux labada dhinacba.

Wuxuu kusoo aaday xilli Odoyaal iyo culimaa'uddiin katirsan labada maamul wadeen waan waan nabadeed iyo in la kala qaado ciidamo maalmahan lagu daad-guraynayay degmadaasi.

Shirkii Odoyaasha ayaa ku dhammaaday fashil iyo fahamwaa.

Majirto cid katirsan Puntland iyo Galmduug oo ka hadashay dagaalkan oo salka ku haya dhisme laga hirgalinayo dhinaca Galbeed ee magaalada Galkacyo.

Balse, waxay dhawaan hawada isu mariyeen eedayn ku saabsan dagaalka Galkacyo midba midka kale dusha uga tuurayo.

Puntland iyo Galmudug oo muddooyinkii dambe ka dhaxaysa xurguf siyaasadeed oo xoogaysatay markii la yagleelay maamulka Cadaado, ayaa keentay in dhowr jeer lagu dagaallamo xarunta gobolka Mudug.

Xaaladda magaalada ayaa caawa dagan, waxaa jir cabsi laga qabo in dagaalku xoogaysto iyadoo labada dhinacba ciidamo xoog leh keeneen degmada Galkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM