Dagaalka Saaka ka dhacey degaanka Tukaraq

Image

GAROWE- Dagaal saaka aroortii ka bilowdey degaanka ku dhow Tukaraq ayaa sida wararka lagu helayo sheegayaan ku bilowdey si xoogan kaasoo sababey dhimasho iyo dhaawac.

Wararkii ugu dameebeeyey ayaa shegaya in dagaalku ku socdo si qabow marka loo eego subaxnimadii saaka iyadoo wararku sheegayaan in suurtagal tahay inuu dib u bilowdo markale.

Lama sheegin guulo Militari oo labada ciidan kala gaareen balse waxaa la soo sheegaya in dhaawac iyo dhimasho jirto labada dhinac.

Magalada Garowe iyo Laascaano ayaa la gaarsiiyey dhaawac balse ma jirto ilaa hadda dhimasho la soo sheegey.

Puntland iyo Somaliland weli kama hadlin dagaalkaan saaka dhacey iyadoo maalmihii ugu dambeeyey madaxda maamulada saxaafada u si marinayeen hanjaabaado la xiriira iney qaadayaan dagaal ay isku difaacayaan.

Somaliland ayaa Tukaraq ku qabsatey weerar sanadkaan horaantiisa ku soo qaadey tuuladaas.

Puntland iyo Somaliland ayaa tan iyo sanadkii 2007 isku hayey gacan ku haynta gobolka Sool kuwasoo midba sheegto in maamulkooda hoos yimaado.

Warsidaha GO ayaa idiin soo gudbin doona wararka ugu dambeeyey dagaalkaan anagoo mar walba hubin doona xaqiiqdooda.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM