​Deeqdii Turkiga ee gobolka Gardafuu oo la musuq-maasuqay

Image

BOSASO, Puntland- Wararka laga helayo deeq raashin ah oo wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland u qoondaysay gobolka fog ee Gardafuu ayaa lasoo sheegayaa inay musuq-maasuqeen mas'uuliyiin katirsan kuwa gobolkaasi.

Gudoomiyaha degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu, Abuukar Axmed Yuusuf ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu ku sheegay in gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gardafuu uu musuq maasuqay qoondadii gobolku kulahaa raashinkii Turkiga.

Abuukar ayaa sheegaya in arrintaasi loo hayo caddaymo ku aadan qaabka loo khiyaamay raashin inkastoo uusan caddayn cadadka laga qaaday iyo markii hore inta wasaaraddu qoondaysay.

Wuxuu caddeeyay inaan degmada la keenin qoondadii saxda ahayd ee dadka deegaanka loogu talo galay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayuu ka codsaday inay qaado tallaabo lagu ciqaabayo dadka ku kacay falkaas isagoo carrabka ku dhuftay in qaab bareer ah deeqdaasi dukaamo looga iibsaday.

Arrintan ayaa daba socota musuq-maasuq horay loogu sameeyay deeqdan oo dowladda Turkiga ugu talo galeen shacabka tabaalaysan ee ku sugan Puntland, Galmudug iyo gobolka Hiiraan. Halkan ka Akhriso

Gobolkan ayaa soo maray dhibaatooyin adag oo isugu jira; Abaaro iyo Duufaanno, waxaana bulshada la daalaa dhacayeen waxyeelladii soo gaartay. Horay uma aysan jirin wax caawinaad ay ka haleen xukuumadda haatan talada haysa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM