Degmada Bareeda oo gole deegaan loo sameynayo

Image

December 13, 2014 (GO)- Wafdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha Puntland ayaa ku hawlan dhismaha goleyaasha deegaanka ee qaar kamid ah dogmooyinka gobolka Gardafuu.

Agaasimaha waaxda masiibooyinka dabiiciga ah ee wasaarada arimaha gudaha Cawil Maxmed Xirsi ( Cawil Buulle ) oo wafdigaas qayb ka ah ayaa Radio Garowe u sheegay in maalinta beri ah degmada Bareedo gole deegaan u sameyn doonaan.

Buule wuxuu sidoo kale sheegay in degmooyinka kale ee harsanna sida ugu dhaqsaha badan maamul loogu sameyn doono.

Mar uu ka hadlayey xaaladaha caafimaad, waxbarasho iyo guud ahaan nolosha deegaanada ay booqdeen, wuxuu sheegay in degmooyinkaasi baahi badan qabaan haseyeeshee baahida caafimaadku ugu muhiimsan tahay.

Golahan cusub oo ka koobnaan doona 17 xubnood wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyey ee degmadaasi abid yeelato.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM