Deni oo bogaadiyey doorka dhalinyarada ee horumarka Puntland

Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay Martiqaad Afur iyo Casho sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo weftigiisa

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo kamid ahayd Aas-aasayaashii Puntland ayaa martiqaadkan samaysay, waxaana ay Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa u guud martay marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha dowladda Puntland ay soo martay, waxay bogaadisay doorka saliim ka ah ee Xukuumadda TAYAYN IYO TIIGSI ku doonayso horumarinta dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa mahad balaadhan u jeediyey Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye oo weftiga Madaxweynaha ku maamuustay Afur iyo Casho sharaf

"Waxaan u mahadnaqayaa Caasho Geelle oo gurigeeda Caawa ani iyo Waftigayga nagu marti qaaday cunto aad u macaan iyo jawi qurux badan aad ayaad ugu mahad santahay martiqaadkaaga aadka u wanaagsan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlay doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka ayaa tibaaxay in dhallinta Puntland hormuud u tahay horumarka dhanwalba ee Puntland gaartay, waxaana uu xaqiijiyey in dowladda Puntland ahmid gaara siinayso dhallinyarada, sidii ay horeba usiisay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka gobolka Mudug Kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan talaabo walba oo gobolkoodu ku noqonkaro mid xasiloon,, mid nabad ah, mid horumaray iyo mid ay shacabkiisu halbeeg u yahay wadajirka.

Puntland State House

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM