Deni oo guddomiye ku-xigeen cusub u magacaabay gobolka Haylaan

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Cabdisalaan Maxamed Muuse wuxuu magacaabay Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan, sidda laga soo xigtay xafiiskiisa.

Hoos ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.07 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Gobolka Haylaan.

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdisalaan Maxamed Muuse loo magacaabay Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM