Deni oo guddomiye ku-xigeen cusub u magacaabay gobolka Haylaan

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Cabdisalaan Maxamed Muuse wuxuu magacaabay Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan, sidda laga soo xigtay xafiiskiisa.

Hoos ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.07 January 8, 2020 ku magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta howlaha shaqo ee Gobolka Haylaan.

Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waaya-aragnimadiisa Shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdisalaan Maxamed Muuse loo magacaabay Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Haylaan.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=


GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM