Deni oo hogaan cusub u magacaabey Ciidanka Daraawiishta Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere u magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Sidda ku cad wareegto kasoo baxdey xafiiska hogaamiyaha dowladda Puntland, sidoo kale Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad ayaa laga dhigay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta.

Tani ayaa waxay qeyb ka tahay isbedel uu madaxweynuhu ku sameynayo hay'addaha ammaanka, maadaama ahmiyada koowaad ee xukuumada uu hogaamiyo ay tahay amniga.

WAREEGTADA

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 33 ee Juun, 29, 2019, ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo Khibraddooda ciidan.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Axmed Cali Salaad loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM