Deni oo hogaan cusub u magacaabey Ciidanka Daraawiishta Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere u magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Sidda ku cad wareegto kasoo baxdey xafiiska hogaamiyaha dowladda Puntland, sidoo kale Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad ayaa laga dhigay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta.

Tani ayaa waxay qeyb ka tahay isbedel uu madaxweynuhu ku sameynayo hay'addaha ammaanka, maadaama ahmiyada koowaad ee xukuumada uu hogaamiyo ay tahay amniga.

WAREEGTADA

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 33 ee Juun, 29, 2019, ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo Khibraddooda ciidan.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Axmed Cali Salaad loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM