Deni oo ka hadlay Dekadda Garacad oo Markiib ugu horeeyay kusoo xirtay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay dhimsaha dekada cusub ee Garacad oo markabkii ugu horeeyay Maanta kuso xirtay.

''Waxaan ugu hambalyeeynaya Shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed, guusha taariikhiga ah ee bilowga ah oo aynu ka gaarnay dhismaha Dekadda Garacad, oo maanta uu kusoo xirtay markabkii ugu horeeyay," ayuu yiri Deni.

Mashruuca oo ah kii koowaad ee noociisa dalka ka qabsoomay burburkii kadib, wuxuuna ku dhismay isku tashi dadka reer Puntland ay ku dhiiradeen inay dekad dhistaan iyadoo waxba ka sugin dowlad ama hay'ado shisheeye, waxayna tallaabadan dhiiragelisay dadka kale ee Soomaaliya ku nool in ay ka qeyb qaataan horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Waa qorshe soo socday sanado, wuxuuna Deni ugu hambalyeeyay shacabka ka dhabeeyay riyadooda, oo u dhabar-adeygay marxaladkasta si loo dhameytiro masharuucan, oo mustaqbalka wax badan ka tari doona.

Wuxuu Madaxweynaha uga mahadcelinaya cidkasta oo ka qeyb qaadatay, sida Dowladd iyo Shacaba , gaar ahaan ganacsatada iyo Shirkadaha dhisaya Dekada oo wali aan mashruucaadeeda dhameystirmin.

"Guusha aynu ka gaarnay Dekadda Garacad waxay inoo sheegaysa in sidoo kale aynu Guul ka gaari doono mashaariicda kale ee aynu isku tashiga ku wadno, sida dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo oo ku dhow 30-kii KM ee ugu horeeyay, Wadada Garacad-Tuurdibi oo la sahmiyey iyo mashaariicda kale dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland," ayuu hadalkiisa raaciyay Deni.

Wuxuu yiri Madaxweynaha Puntland: "Waxaynu maanta tusnay adduunka in dadka Soomaaliyeed ay waxqabsan karaan, laakiin loo baahanyahay ku-dhaca iyo u dhabar adeyga, runtii dhaqaale ahaan, farsamo ahaan iyo shaqaale ahaan dalkeena waan dhisan karnaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM