Deni oo magacaabey Guddi ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano

Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu magacaabay Guddi ka kooban Shan wasiir iyo saddex Xildhibaan.

Sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska Deni, waajibaadka gudduiga ayaa ah dib u habeyn balaaran oo lagu sameyn doono hay'addaha dowladda ee ka jira gobolka Mudug.

Maxamed Cabdiraxmaan Axmed, wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ayaa gudoomiye u ah Guddigaan xili uu ku xigeenka uu yahay Xasan Shire Abgaal, wasiirka Maaliyadda.

Magacaabistaan ayaa imaaneysa xili la filayo in saacadaha soo aadan uu madaxweyne Deni isbedal ku sameyn doono mas'uuliyiinta dowlada Puntland ee gobolkaasi.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADDA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM