Deni oo u safray Shiinaha kana warbixiyey ujeedka socdaalkiisa

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Axad ah waxa uu u ambabaxay dalweynaha Shiinaha.

Socdaalka oo maalmo qaadan doona ayaa waxaa madaxweyne Deni ku wehliya mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jira wasiiro iyo saraakiil madaxtooyadda ka tirsan.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayey qaybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayuu madaxweynuhu ka warbixiyey ujeedada uu daaran yahay safarkiisa.

Mr Deni ayaa tibaaxay in uu ahmiyada koowaad ee booqashadaan ay tahay sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka ka dhaxeeya Puntland iyo China si gaar ah gobol dalkaasi ka tirsan.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in sidoo kale socdaaalkan uu quseeyo adkeynta iskaashiga kala dhinac gaar ahaan horumarinta ganacsiga iyo is-dhaafsiga khibradaha dhinca dhismaha.

Shiinaha ayaa kamida wadamada saaxiibka dhow la ah Puntland, isla markaana ka fuliyey mashaariicyo kala duwan sida dhismaha garoomada diyaaradaha iyo wadooyinka.

Socdaalkaan ayaa noqonaya midkii labaad oo rasmi ah oo uu Deni ugu baxo dibada tan iyo markii la doortay bishii Janaayo 2019 xili wadankii ugu horeeyay uu ahaa Imaaraadka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM