Deni oo xariga ka jaray waddo casri ah oo laga hirgeliyay Gaalkacyo

Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Xarigga ka jaray wadada halbawlaha ah ee magaalada Gaalkacyo oo si casriya loo dhisay, isla markaana Kormeeray garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo kan Kubadda Cagta ee Cawaale.

Wadada halbowlaha ah ee magaalada Gaalkacyo oo ay dhistay shirkadda wadaniga ah ee Kebarco ayaa dhererkaagu dhanyahay 2.1km, waxaana uu Madaxweynaha Puntland sheegay in wadada loo dhisay si tayadeedu sarayso oo xirfadaysan, isagoona uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb-qaadatay dhismaheeda.

"Aad baad u mahadsantihiin dhammaan intii ka qayb qaadatay, Dowladda Hoose shacabka reer Gaalkacyo, shirkaddii dhistay oo dhismo qurux badan oo aad u fiican dhistay, sida uu qorshuhu yahay 8km inay dhamystiranto baan rajaynaynaa, waxaana ku talageli doonaa magaladu in jidad wanaagsan hesho". Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni waxaa uu kormeeray garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ayaa ka warbixiyey.

“Madaxweynuhu waxaa uu kormeeray qaybaha kala duwan ee Garoonka sida dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, Waxaana uu u kuurgalay xaladda guud ee garoonka. Madaxweyne Deni si weyn ayuu u amaanay shaqada weyn ee ka socota garoonka, waxaana uu xusay in waxbadan laga qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen masuuliyiintu".

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa ka wabixiyey Kormeerka Madaxweynaha iyo weftigiisa ee Garoonka Kubadda Cagta Cawaale.

"Madaxweyne Deni ayaa la kulmay guddiga gacanta ku haysa dhismaha iyo dayactirka garoonka kubadda Cagta Cawaale, waxaa ay ka warbixiyeen sida ay wax u socdaan, meesha ay wax kasoo bilaabmeen iyo agabka ay haystaan, qorshayaasha u yaalla iyo sida ay wax u dhisayaan. Madaxweyuhu waa indha indheeyey garoonka iyo sida ay wax u socdaan waxaana uu ku bogaadiyey hawsha ay hayaan”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani.

Geesta kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho duco ah ku tegey Qabriga Alle Ha’unaxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM