Dibadbax rabshado wata oo ka socda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Dibadbax rabshado wata, oo dad ay ku dhinteen ayaa saaka ka socda magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari kaasi oo looga soo horjeedo xirnaashaha dekedda magaaladaasi.

Wariyaha Warsidaha Garowe Online uga soo waramaya Boosaaso, ayaa sheegay in banaan baxa xooggiisa uu ka dhacayo nawaaxiga Dekedda, iyadoo dadweyne caraysan ay isku dhaceen ciidamada Booliska.

Isku dhaca ciidamada amniga ayaa ka dhashay khasaaro isagu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana Goobjoogiyaasha u sheegeen Garowe Online in ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey halka labo ruux ku dhaawacantey.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb-qaadanaya boqolaal qof, oo ganacsato, haween iyo dhalinyaro ay kamid yihiin kuwaasi oo dalbanayay in la joojiyo canshuurta lagu kordhiyay badeecadaha kasoo dega Dekedda Boosaaso.

Wasiirka Dekadaha Puntland, Siciid Maxamed Raage oo shir jaraa'id ku qabtay Isniinta magaalada Boosaaso, ayaa ka sheegay in yasan jirin wax lacag ah oo la kordhiyey Badeecadaha, isagoo dhibaatada taagan ku eedeeyay dadka masuulka ka ah Doonyaha. Halkan ka akhri. 

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo isna Shir Saxaafadeedka ka hadlay ayaa rugta ganacsiga ku eedeeyay inay ka dambayso dhibaatada jirta, wuxuu intaasi ku daray inay dib u eegi doonaan shaqadeeda.

Fahfaahinta warkan, kala soco wararkeena damne haddii ALLE idmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM