Puntland: ​Diyaarad Rasaas ku riday deegaanka katirsan Caluula [Dhagayso]

Image

CALUULA, Puntland- Diyaarad aan la aqoon cidda iska leh ayaa maanta xabado ku furtay deegaan lagu magacaabo Af-kala Haya oo qiyaastii 24 KM dhinaca Bosaso ka xigta magaalada Caluula ee gobolka Gardafuu.

Goob jooge ku sugan deegaanka Xaabo ayaa Radio Garowe u sheegay in weerarkaas uusan gaysan wax khasaaro ah marka laga reebo cabsi ay muujiyeen dadka deegaanka kuwaasoo soo helay haraadiga rasaastii ay riday Diyaaradaas oo ku socotay joog hoose.

Xaaladda ayaa iminka degan, waxaana dadka deegaanku ku tuhmayaan arrintaas Ugaarsi ay waday diyaaraddu, sida uu GO u sheegay Maxamed Yusuf Maxamed oo kamid ah waxgaradka Xaabo kaasoo xiriir la sameeyay dad goob joogayaal ah.

Maxamed ayaa sheegay waqtiga rasaasta la riday xeebta uu ka muuqday wax loo maleeyay Naberi islamarkaana ay u malaynayaan in xabadahaas lagu riday xayawaankaas ku jiray badda.

Mar wax laga weydiiyay inay jirto cabsi keeni karta in rasaas lagu rido deegaanka Af-kala Haya, wuxuu sheegay Maxamed oo kamid ah waxgaradka degmada Caluula balse ku sugan Xaabo, “Ma maqal cabsi keeni karta in xabadahaas lagu rido deegaanka, amni weeye xaalkeeduna waa daganyahay,” isagoo hadalkiisa ku daray “Horay ugama dhicin arrintan oo kale sida aan warka ku hayo, xaalku waa caadi marka laga yimaado dadka oo cabsi ka muujiya Diyaaradaha.”

Dhinaca kale, wuxuu sheegay Maxamed in degmadaas ay wali ka socoto Kalluumaysigii Sharci darrada ahaa, isagoo tilmaamay in arrintaas dhibaato ku qabaan Kalluumaysatada islamarkaana hadda marayaan inay ka fariistaan shaqooyinkoodii.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca xukuumadda Puntland, balse Guddoomiyaha Caluula oo iminka ku sugan magaalada Bosaso, ayaa GO u sheegay in maamulka gobolka Gardafuu uu sheegay in weerarka ka dhacay inta u dhaxaysa Xaabo iyo Caluula aysan waxba ka jirin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM