Diyaarado duqeeyay bartilmaameedyo Daacishta Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland - Diyaarado loo maleynayo kuwa Mareykanka ayaa lagu waramayaa in ay duqeyn diyaaradeed ka geysteen tuulada Togga Siido oo dhacda bariga Puntland, fiidnimadii Jimcaha.

Sidda ay GO u sheegeen gooboogeyaal, weerarka cirka ah ayaa lalal beegsaday bartilmaameedyo ay ku sugan yihiin dagaalamayaal ka tirsan kooxda la magaxbaday dowladda Islaamka.

Fahfaahinta waxyeeladda wali ma cadda. Balse, dadka degaanka ayaa soo sheegaya in ay maqleen daryenka tiro gantaalo ah oo soo ganayaan diyaarada joog hoose ku socday.

Hadii la xaqiijiyo, waxay noqoneysaa duqeyntii lixaad oo uu Mareykanka la beegsado Daacishta ku dhuumaaleysaneysa gobolka Bari ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarada cirka ee ka dhanka ah kooxdaasi argagixisada ah ayaa bilowday bishii April, markaasi oo laga khaarijiyey hogaamiye ku xigeenka, Cabdikariin Dhoqob.

Isbuucii hore gaar ahaan Arbacadii, milatariga Mareykanka ayaa shaaciyey in howlgal ay ka fuliyeen buuraha Golis ay ku dileen laba ka tirsanaa maleyshiyaadka Daacish.

Bishaan May 9-keeda, duqeyn kale oo ka dhacday isla buuraha Golis ee dowladda Puntland ayaa lagu naf-gooyey 13 ka tirsanaa Jihaad-alooslayaasha mitidiinta.

Wadarta guud ee Washington ay ku dishay shantaasi duqeyn oo ay ka fulisay degaanada Puntland ayaa ah 20 dagaalameyaal oo uu ku jiro horjooge Cabdikariin.

Xeel-dheerayaasha amniga ayaa aaminsan in duqeymaha ay cadaadiska kusoo kordhiyaan kooxda, oo ku dhowaad 155-200 dagaalamayaal ah ku haysta gobolka Bari tan iyo sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM