Puntland oo diyaarineysa in laga jawaabo bayaankii odaaysha Nugaal

Image

GAROWE- Magaalada Garowe ayaa waxaa ka socda qaban qaabo xubno ka socda xukuumada Puntland iyo maamulka gobolka Nugaal ugu jiraan in odayaal kale oo Reer Nugalaeed ah ka jawaabaan bayaan maalntii shaley Madaxweyne Gaas lagaga codsadey inuu is-casilo.

Bayaankaan oo ay soo saareen qaar ka tirsan odayasha gobolka Nugaal ayaa dhaliyey in Ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland islamarkaana ah ku simaha xilka Madaxweynaha uu wadatashi  sidii looga jawaabi lahaa qoraalkaan kala yeeshey qaar ka tirsan golaha wasiirada gaar ahaan kuwo xukuumada kaga jira gobolka Nugaal.

Warsidaha Garowe Onlime ayaa fahansan in xukuumada Puntland doorbidey in odayaal kale oo kasoo jeeda gobolka Nugaal jawaab ka bixiyaan  bayaankan kuwasoo laga yaabo in warsaxafadeed qabtaan 24 saac ee socota.

Lama oga in odayashaan kale ku jiri doonaan qaar ka tirsan Nabdoonada gobolka Nugaal.

Odaaysha bayaanka magalaada Garowe kasoo sarey maalinti shaley aya xukumada Madaxweyne Gaas ku eedeeyey musuqmaasuq iyo sicir barar iyagoo ugu baaqey inuu iska casilo xilka Madaxweynaha Puntland.

Bayaankaan ayaa ku soo beegmey xilli Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas safar gudashada Xajka ah ugu maqan yahay  dalka Sucuudiga.

Madaxweyne Gaas ayaa muddada xil hayntiisu ka hartey sanad iyo bar ah iyadoo la filayo in shacabka Puntland Madaxweynaha 2019 ku soo doortaan nidaamka 66 Xildhibaan kuwasoo ay soo xulan doonaan odaayaasha horjoogyaasha u ah qabaa'ilada daga mamaulkaas.


Warsidaha Garowe Online kala soco odayashaan la filayo in warsaxafadeed qabtaan 24 saac gudahood.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM