Dowlada Puntland oo ka hadashay dagaalka Galkacayo

Image

GAROWE, Puntland- Dowlada Puntland ayaa qoraal kasoo saartey dagaal maanta galinkii hore October 7, 2016 ka dhacey duleedka magaalada Galkacayo kasoo ay ku sheegtey inuu yahay weerar qaawan oo lagu soo qaadey.

Warsaxafdeedkaan oo ku qornaa afka Ingriiska ayaa lagu sheegey in kooxo ka socda maamulka Galmudug iyo Al shabab weerar ku soo qaadeen magaalada kuwasoo gaystay khasaaro nafeed iyo maalba.

Dowlada Puntland oo markii ugu horeysay ka hadashay weerarkii cirka diyaardaha Mareykanka ku qaadeen kooxo ku sugan duleedka Galkacayo ayaa sheegtey in dagaalkaan ahaa mid argoosi ku ay samaeynayeen maleeshiiyaadkaan isa soo baheystey ee Galmudug iyo Al Shabaab.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu xusey in weerarkii diyaaradaha Mareykanka qaadeen kasoo lagu sheegey in dowlada Federaalka wax ka ogeyd.

Isku dhacan ayaa saaka ka bilowday maxjar laga dhisayay xaafadda Garsoor ee magaalada Galkacyo, waxaana sida xogtu sheegayso dagaalku bilowday kadib markii dhisme halkaas kasocday is hortaag ku sameeyeen mallayshiyaad kasoo jeeda dhinaca Galmudug.

Dagaalka ayaa markii hore dhexmaray mallayshiyaad dhinaca Galmudug kasoo jeeda iyo dadka dagan xaafaddaas, balse iska hor-imaadka ayaa xoogaystay waxaana kusoo biiray ciidamo ka kala socda Maamulka Puntland iyo Galmudug.

Magaalada Galkacayo ayaa waxaa horey uga dhacey dagaal dhexmarey maamulka Galmudug iyo dowlada Puntland kasoo markii dambe ku dhamaadey heshiis aan dhameystirneyn oo dhexmarey Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM