Dowlada Puntland oo ka hadashay dagaalka Galkacayo

Image

GAROWE, Puntland- Dowlada Puntland ayaa qoraal kasoo saartey dagaal maanta galinkii hore October 7, 2016 ka dhacey duleedka magaalada Galkacayo kasoo ay ku sheegtey inuu yahay weerar qaawan oo lagu soo qaadey.

Warsaxafdeedkaan oo ku qornaa afka Ingriiska ayaa lagu sheegey in kooxo ka socda maamulka Galmudug iyo Al shabab weerar ku soo qaadeen magaalada kuwasoo gaystay khasaaro nafeed iyo maalba.

Dowlada Puntland oo markii ugu horeysay ka hadashay weerarkii cirka diyaardaha Mareykanka ku qaadeen kooxo ku sugan duleedka Galkacayo ayaa sheegtey in dagaalkaan ahaa mid argoosi ku ay samaeynayeen maleeshiiyaadkaan isa soo baheystey ee Galmudug iyo Al Shabaab.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu xusey in weerarkii diyaaradaha Mareykanka qaadeen kasoo lagu sheegey in dowlada Federaalka wax ka ogeyd.

Isku dhacan ayaa saaka ka bilowday maxjar laga dhisayay xaafadda Garsoor ee magaalada Galkacyo, waxaana sida xogtu sheegayso dagaalku bilowday kadib markii dhisme halkaas kasocday is hortaag ku sameeyeen mallayshiyaad kasoo jeeda dhinaca Galmudug.

Dagaalka ayaa markii hore dhexmaray mallayshiyaad dhinaca Galmudug kasoo jeeda iyo dadka dagan xaafaddaas, balse iska hor-imaadka ayaa xoogaystay waxaana kusoo biiray ciidamo ka kala socda Maamulka Puntland iyo Galmudug.

Magaalada Galkacayo ayaa waxaa horey uga dhacey dagaal dhexmarey maamulka Galmudug iyo dowlada Puntland kasoo markii dambe ku dhamaadey heshiis aan dhameystirneyn oo dhexmarey Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM