​Dr. Maxamed Jamac Salaad oo Galkacyo lagu aasay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- AUN waxaa maanta 19 Augost, 2017 Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Aas qaran loogu sameyey Marxuum Maxamed Jaamac Salaad oo ahaa  gudoomiyaha Guddiga Dib u dhiska Isbitalka guud ee gobolka Mudug islamarkaana ahaa Dhakhtar daweeye cudurka Neerfaha.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa kasoo qayb galay Mas'uuliyiin ka socday xukuumadda Puntland, Xildhibaano, Isimo, waxgaradka, Dhakhaatiir iyo maamullada gobolka iyo degmada Galkacyo.

Ugu horayn waxaa ka hadlay goobta Aaska qaran loogu samaynayey Marxuumka magaalada Gaalkacyo Gudoomiyaha gobolka Mudug Xassan Maxamed Khaliif iyo sidoo kale xubno kamid ah Baarlamanka dawlada federalka Soomaaliya iyo kuwa Puntland, waxayna tacsi u direen ehelkii iyo umadda Somaliyeed uu ka baxay Dr. Maxamed Jamac Salaad oo ay ku tilmaameen inuu ahaa xubin muhiim ah oo bulshadu tabi doonto.

Wasiirka wasaarada Caafimaadka dawlada Puntland oo ku hadlayay afka xukuumadda ayaa bulshada ugu baaqay in loo duceeyo Marxuumka isagoo tacsi u diray qoyskii uu ka baxay.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa tacsiyayn kadib sheegay in Marxuumku uusan ku koobnayn Dhakhtar ee uu ka qayb qaatay hormarka dalka, isagoo carrabka ku dhuftay in boqolaal qof uu daweeyay maanta ku noolyihiin dunida, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay u duceeyaan oo ALLE u aqbalo acmaashii Khayriga ahaa ee uu qaban jiray.

Dr. Maxamed Jamac Salaad oo muddo ka howlgali jiray magaalada Galkacyo dhawaana arrimo Caafiimaad u tagay dalka Talyaaniga ayaa geeriyooday 08 Augost ee sannadkan 2017, waxaana maydkiisa galinkii hore maanta la keenay Muqdishu, halkaasoo ay kasoo raaceen mas’uuliyiin katirsan Barlamanka federaalka Somalia.

Marxuumku, wuxuu takhasuskiisu ahaa Cudurada ku dhaca Neerfaha iyo waliba qaliinka.

Halkan ka daawo Aaska loogu sameeyay magaalada Galkacyo ALLAHA U NAXARIISTEE Marxuum Dr. Maxamed Jamac Salaad

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM