​Duqa Galkacyo "Shacabku Qaxa ha joojiyaan"

Image

GALKACYO, Puntland- Maamulka degmada Galkacyo ayaa ka hadlay xaaladda magaalada iyo sidii looga shaqayn lahaa xasiloonida iyagoo fariin u diray dadka ku dhaqan xarunta gobolka Mudug iyo wadayaasha gaadiidka dadweynuhu raaco.

Guddoomiyaha golaha deegaanka Galkacyo Maxamud Yaasiin Axmed Tumay, ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda magaaladu tahay mid dagan islamarkaana dadka looga baahanyahay sidii ay uga shaqayn lahaayeen amniga degmada.

Tumay, ayaa fariin u diray dadweynaha iyo gaadiidlayda oo ku eedeeyay inay Qaxinayaashan shacabka, "Dadweynaha waxaan leeyahay ha joojiyaan Qaxa, waxaana dadka shoobaraha wada ee gaadiidlaydu kamid tahay u sheegayaa inaan shacabka la qaxin".

Wuxuu duqa Galkacyo hadalkiisa ku daray in magaalada aysan ka jirin wax dhibaato ah, wuxuuna caddeeyay in dowladda Puntland ku filantahay amniga Galkacyo iyo shacabka.

Hadalka duqa Galkacyo ayaa yimid iyadoo dadku cabsi xoogan ka muujiyeen dagaal kasoo cusboonaada xarunta gobolka Mudug oo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo magaalada keenay ciidamo tiro badan.

Xaaladda Galkacyo, ayaa maanta u muuqatay mid dagan inkastoo shalay galinkii dambe ka dhacay dagaal khasaarihiisu yaraa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM