Duqa Garowe oo ka hadlay burburinta xayeysiimaha Murashaxiinta [DAAWO]

Image

GAROOWE - Duqa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, Axmed Siciid Muuse ayaa ka hadlay markii ugu horeysay falalka lagu burburiyay boorarka xayeysiimaha ee Murashaxiinta, oo ay amartay Madaxtooyadda, sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Falkii ugu dambeeyay ee lagu beegsanayo boorarkaasi waxaa lagu jajabiyey Boor uu Murashax Faarax Cali Shire ku dhegsaday mid kamid ah Goobaha lagu sugo baabuurta rakaabta, taasi oo uu Muuse tilmaamay in lagu raadjoogo soo qabshada cidii ku lugta lahayd.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu mudane Muuse afka ku balaariyay inay qorshuhu ugu jirto inaanu waxyeelo dambe loo gaysan boorarka kale ee magaalada ugu dhegan Murashaxiinta ee loolanka siyaasadeed kula jiray Cabdiwali Gaas, oo uu mudada xileedku ka dhamaaday.

Mayaarka caasimada Puntland ayaa difaacay talaabada uu Murashax Shire ku kireystay xarunta lagu sugo gawaarida rakaabta oo ku taala nawaaxiga xarunta Baarlamaanka maamulkaan 20-sano jir-saday, taasi oo la burburiyay Habeenimadii Talaada.

Ugu dambeyn, Shacabka Garowe ayuu ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii ay ubad-qabi lahaayeen goobaha gawaarida lagu sugto, kuwaasi oo ay hir-gelisay Shirkadda Bilicsan, taasi magaalooyin qaar ee dalka ka fulineysa mashruucyaddani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM