Ethiopian Airlines oo shaacisay goorta ay bilaabeyso duulimaadka Puntland

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Shirkada Duulimaadka Itoobiya ayaa ku dhawaaqeday in ay duulimaadka joogtada ay ee degaanada Puntland ay si rasmi ah u bilaabi doonto 15-ka bisha Julaayo ee sanadkan 2019.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda, duulimaadka ayaa waxay ku tegi doontaa magaalooyinka Garowe, caasimada dowlada Puntland, iyo Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Tewolde GebereMariam, madaxa fulinta shirkadaasi, ayaa wuxuu yiri, "Waxay noo tahay farxad in aan duulimaad ka bilowno Garowe, Soomaaliya".

Ethiopian Airlines ayaa haatan duulimaad toos ah waxay ku tagtaan Muqdisho, taasi oo loo arkayo talaabo ka qeyb qaadaneysa kobaca dhaqaalaha.

"Tani waxay ka qeyb qaadaneysaa in Soomaalida Qurba Joogta ah ee ku kala sugan Aasiya, Yurub, Ameeria, Bariga Dhexe iyo Afrika ay ku socdaalaan wadankooda hooyo iyaga oo maraya Addis Ababa," ayuu ku daray.

Shirkadan ayaa haatan waxay duulimaad toos ay ku tagtaa in ka badan 120 goobood oo caalami ah, sidda ku cad war-saxaafadeedkooda.

"Waxaanu sii wadi doonaa in aan ka qeyb qaadano kobaca dhaqaalaha ee labada dowladood [Soomaaliya iyo Itoobiya] iyo guud ahaan caalamka intiisa kale," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Ethiopian Airlines ayaa tobanaan sano kadib dib u bilowday duulimaadkeeda Muqdisho iyo Addis Ababa, kadib isbedel lagu sameeyay garoonka diyaaradaha magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca.

Talaabada ay duulimaadka joogtada ah ugu hirgelineyso degaanada Puntland ayaa ka dambeysay kadib is-faham iyo wada hadalo ay yeesheen madaxweyne Deni iyo mas'uuliyiinta ugu sareysa shirkadaasi.

Shaacintooda ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyada oo Puntland ay bilooyinka soo aadan qabaneyso shir maalgeshi kaasi oo ay kasoo qeybgalayaan ganacsato dibada ka imaaneysa iyo maalgeshato caalami ah.

Puntland ayaa leh garoomo diyaaradeed oo qaab casri ah loo dhisay kuwaasi oo ku kala yeela Garowe iyo Boosaaso, waxaana talaabada Ethiopian Airlines ay qeyb ka tahay dadaalada xukuumada Deni ee kobcinta dakhliga iyo dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM