Faaf-faahin dagaalka Puntland iyo Somaliland

Image

GAROWE, Puntland- Xaaladda goobihii saaka dagaalku ka dhacay ayaa lagusoo waramayaa inay haatan dagantahay islamarkaana aysan jirin waxa iska hor imaad ah oo socda iminka.

Khasaaro kala duwan ayaa jira in kastoo labada dhinaca Puntland iyo Somaliland iska fogaynayaa khasaaro soo gaaray.

Goordhaweyd waxaa laanta Afka Somaliga ee BBC la hadlay wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland, Maxamud Xasan Soocadde, wuxuuna sheegay in mallayshiyaad laga soo abaaburay Waqooyi Galbeed Somalia kusoo duuleen deegaano ay ka taliyaan siduu hadalka u dhigay.

Soocade, ayaa meesha kasaaray inay jiraan wax khasaaro ah oo soo gaaray kuwaasoo maamulka Somaliland sheegeen inay gaysteen, isagoo xusay inuu jiro Xildhibaan fasax ku joogay Dhahar oo afduub loo kaxaystay.

Dhinaca Wasiirka Gashaandhiga Somaliland Axmad Xaaji Cali Cadami ayaa isna BBC-da u sheegay inay baabuur ka gubeen maamulka Puntland islamarkaana gacanta ku hayaan ilaa 6 maxbuus, wuxuuna ku eedeeyay inay carqaladayn toos ah ku hayaan doorashadooda.

Goob joogayaal aan la xiriirnay ayaa noo sheegay inay jiraan abaabul ciidan oo kasocda gobolka Sanaag, waxayna cabsi ka muujiyeen isku dhac dhexmara labada dhinac.

Xildhibaano katirsan Barlamanka Puntland, ayaa maanta cambaareeyay dagaalkaasi waxayna xukuumadda ugu baaqeen inay la timaado qorshe cad oo ku aadan deegaanada kasii baxaya gacanta dowladda, iyagoo shacabka ugu baaqay inay dalkooda difaacdaan.

Xildhibaanada hadlay waxaa kamid ah Mudane Dhoobo-daareed oo sheegay inaysan indhaha ka laaban waxa uu ugu yeeray weerar qaawan oo ay soo qaadeen xukuumadda Somaliland, isagoo sheegay in haddii madaxdii is xilqaami weyday in dowladdu arrintaasi u istaagaan.

Mudanayaal kale oo hadlay, ayaa sheegay haddii Somaliland tallaabooyinka ay waddo ay ka laaban waydo, cawaaqibka ka dhashay mas'uuliyadooda qaadi doonaan madaxda maamulkaasi.

Maaha markii ugu horraysay labada maamul isku faro saaraan arrimo ku aadan lahaanshaha labada gobol ee Sool iyo Sanaag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM