Faah faahin Dooni siday hub sharci darro ah oo lagu qabtay xeebaha Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF loo yaqaano ayaa gacanta ku dhigay Doon siday hub sharci darro ah oo ka timid dhinaca waddanka Yemen, waxaana lagusoo bandhigay magaalada Bosaso.

Taliska ciidamada soo qabtay hubkan ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka lagusoo qabtay doontan, waxayna sheegeen in hubkan uu yahay mid si sharci darro ah lagu doonayay in lagusoo galiyo gudaha Puntland.

Gaashaanle Maxamed Maxamuud Xasan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ee PMPF ayaa sheegay in ay ku guulaysteen soo qabashada hubkan ayna ku raad joogaan dadkii doonidaasi u rarnayd iyo halkii ay ku sii jeeday intaba.

“Doonidani waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland,waxaana laga soo qabtay deegaanka Mareero halkaasi oo ay howlgalo ka wadeen ciidamadu,waxaa doonida saarnaa hub noocyo kaladuwan leh," Ayuu yiri Gaashaanle Maxamed Maxamuud oo kamid ah saraakiisha ciidamada badda Puntland.

Wuxuu intaas ku daray inaysan gacanta kusoo dhigi dadkii hubkan u socday iyo kuwii waday intaba, balse ay wadaan baaritaan.

Hubka la qabtay ayaa isugu jiray Qoryaha waaweyne ee dhishiikaha loo yaqaan, BKM, Ak47, Bastoolado iyo Sanaadiikh ay ku jirto rasaas.

Doontan ayaa lagu magacaabaa Al Furqaan, waxaana la sheegay inay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah, balse hubkan uu socday gobollada dhexe ee dalka Somalia.

Faah faahin dheeraad ah lagama helayo howlgalkan oo kusoo aaday xilli inta badan waddanka Yemen oo ay dagaallo kasocdaan lagsoo gudbiyo hubka sharci darrada ah ee dalka lasoo galinayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM