Fahfaahin: Duqeyn ka dhacday gobolka Bari [Dhageyso]

Image

QANDALA, Puntland - Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamed Quurshe, ayaa ka warbixiyay duqeyn xalay saqdii dhexe ka dhacday deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Sida Warsidaha Garowe Online uu soo qoray Duqeyntu waxay ka dhacday deegaanka Buqo, halkaasoo lagu riday lix gantaal oo lala eegtay xubno katirsan Malleeshiyo xiriir la leh ururka Daacish. Halkan ka akhri.

Buqo waxuu qiyaastii 60KM u jiraa magaalo xeebeedka Qandala, oo sanad kahor laga saarey Xoogaga Daacish gacan-saarka la leh, ee uu hogaamiyo Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo Shabaab kasoo goostay.

Dadka deegaanka ayaa hurdada uga soo toosay qaraxyada gantaallada ku hoobanaya Buqo, iyadoo la maqlayay guuxa dayuurado dusha sare ku duulaya, oo loo maleynayo inay yihiin kuwa gantaallada soo riday.

Kooxda Sheekh Cabdulqaadir Muumin, ayaa ku xoog badan Buularayda la duqeeyay, waxaana xilliga weerarka dhacayay ay hogaamiyaal shir ku lahaayeen Buqo, sida Illo-wareedyo u sheegeen GO.

Lama oga cida fulisay duqeynta, balse Mareykanka ayaa inta badan ka fuliya Soomaaliya weeraro ka dhan ah Kooxaha argagaxisada, sida Al Shabaab iyo Daacish oo khatar amni ku haya gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM