Puntland: Khasaaraha Weerarkii Af-Urur oo kordhay [Fahfaahin]

Image

AF URUR, Puntland - Fahfaahino iyo warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar culus, oo Maanta oo Jimco ah ka dhacay gudaha deegaanka Af Urur, ee gobolka Bari.

Weerarkan ayaa waxaa uu ahaa mid isagu jiray qaraxyo iyo Hoobiyaal lagu weeraray Af Urur, oo ku dhaw Buuraha Galgala, xilli shacabka halkaas ku dhaqan ay u dabaal-degayeen Munaasabadda Ciidul Adxa.

Goob-joogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in labo qarax oo nooca miinada ah ay ka dhaceen Suuq lagu iibiyo Maandooriyaha Qaadka, kadibna uu xigay weerar Duqeyn Hoobiyaal ah, oo deegaankaasi lagu soo garaacay.

Inta la xaqiijiyay 12 ruux oo ah ku jiraan saddex Askari oo katirsanaa Ciidamada Puntland, ayaa ku geeriyootay qaraxyada Miino, ee lagu aasay Kabarka Qaadka lagu iibsho iyo Madaafiicda hoobiyaasha ah.

Afhayeenka dhanka Howlgallada Kooxda Al shabaab, Abu Muscab ayaa sheegay inay ka dambeeyeen  weerarkan Af Urur, islamarkaana ay ku dileen 5 Askari oo Ciidanka Puntland kamid ahaa.

Dowladda Puntland wali kama aysan hadlin weerarka. Bishii June, ee sanadkan 38 Askari ayaa lagu dilay weerar culus, oo Al shabaab ku qaadey Saldhiga Ciidamada Puntland ee deegaanka Af Urur.

Af Urur wuxuu kaabiga ku hayaa Buuraha Galgala, oo Al shabaab ku xoogan tahay, wuxuuna 100KM dhanka Koonfureed uga beegan yahay magaalada Ganacsiga Puntland, ee Boosaaso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM