​Farax Cali Shire oo ka hadlay khilaafka dowladda iyo Gallan

Image

GAROWE- Wasiirkii hore maaliyadda Puntland Farax Cali Shire, ayaa ka hadlay khilaafka dhexyaalla dowladda Puntland iyo Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, wuxuuna ku baaqay in laga fogaado colaad gobolka ka dhacda.

Shire oo waraysi siinayay Radio Garowe, ayaa siwadajir ah baaq nabadeed ugu diray labada dhinac, wuxuuna sheegay in Puntland xilligan u baahnayn colaad sokeeye, isagoo codsaday in kala aragti duwanaanta jirta lagu xalliyo wadahadal.

Wasiirkii hore maaliyadda, ayaa soo jeediyay in arrinta loo daayo siyaasiyiinta, waxgaradka iyo Isimada ku jira dhexdhexaadinta, isagoo tilmaamay inay meel wanaagsan waxmarinayaan.

Siyaasigan, ayaa sidoo kale dowladda usoo jeediyay inay la timaado dulqaad iyo karti si meesha looga saaro canaad iyo cariiqsi ka yimaada dhinacyada wax tabanaya, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda inay wax ka qabato tabashooyinka ka imaanaya dhinacyada gadoodsan.

Gallan iyo xulafadiisa ayuu ugu baaqay Faarax Cali Shire, in arrinta uu ka joojiyo halka uu marinayo islamarkaan qaab hoose wixii tabasho ah usoo bandhigaan, isagoo xusay in colaad aysan faa'iido lahayn ee ay horseedayso bur-bur, colaad iyo nacayb ka dhex dhashay dadkii ku bahoobay dhismaha Puntland.

Wuxuu xusay in shakhsiyan isagu diyaar u yahay sidii loo xallin lahaa dhibaatada taagan, isagoo sheegay in waqtigan la joogo aysan ahayn xilligii xukuumaddu xalka ka raadin lahayd qori caaraddii.

Hadalkan, ayaa kusoo aadaya xilli maanta isku dhac dhexmaray ciidamada daacadda u ah Guddoomiyihii hore gobolka Bari iyo dowladda Puntland, kaasi oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM