​Gaas "Anigu ma aaminsani in socdaalka Shabaab Federalku ku lug leedahay"

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaalka kasocda qaybo kamid ah Puntland gaar ahaan gobolka Nugal, wuxuuna sheegay inay ka warhayaan dhaq-dhaqaaqa kooxda lala xiriirinayo Shabaab isagoo sheegay inay ka yimaadeen gobollada dhexe iyo Koonfurta waaddanka Somalia.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ka hadlay eedaynta wasiirro katirsan Puntland u jeediyeen dowladda Federalka, wuxuuna sheegay inaysan arrintaasi sax ahayn islamarkaana shakhsiyan uu aaminsanyahay in dowlada dhexe aysan ku lug lahay mallayshiyaadka soo gaaray deegaanada xeebaha maamulka.

Wuxuu sheegay inuusan maqal  wasiir katirsan xukuumadda oo arrintaasi si cad uga hadlay, balse jiraan hadallo siyaabo kale loo fasiray.

Madaxweynuhu, wuxuu xusay in kooxda Shabaab tahay cadow Somaliyeed, sidaasi darteed dowladda Federalka iyo Puntland ka dhaxayso wadashaqayn ku aadan qaabkii looga sifeyn lahaa dalkaasi islamarkaana la isaga kaashan lahaa sidii cadowgaasi dadka looga qaban lahaa.

Gaas oo u waramay laanta Afka Somaliga ee VOA, wuxaa wax laga weydiiyay in Puntland joogto waqtigii la keeni lahaa ciidamo katirsan Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo xusay inaysan baahi u qabin islamarkaana isaga filanyihiin cadow kasta oo soo wajaha, wuxuuna taa badalkeeda codsaday inay helaan taageerada la siiyo ciidamada Somaliyeed iyo kuwa loo qorsheeyay Midowga Afrika.

Arrimo kale oo ku aadan doorashada Somalia iyo inuu madaxweyne Gaas yahay murashax 2016, ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay inuu dhammaysanayo waqtiga madaxtinimada Puntland isagoo dhinaca 4.5 tilmaamay inaysan ahay arrin katimi madaxda balse tahay mowqifka shacabka Puntland.

Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa kusoo aadaya xilli deegaano katirsan Puntland soo gaareen mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana taasi keentay in dagaal uu shalay ka dhaco deegaan lagu magacaabo Suuj oo katirsan gobolka Nugal, halka degmada godob jiiran ku suganyihiin koox kale iyo ciidamo dowladda katirsan waloow aysan jirin gacan ka hadlay dhexmaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM