Gaas oo dib uga noqdey qayb kamid go'aan lagu xanibay gadiidka ka yimaada Koonfurta Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Kulan maalmihii la soo dhaafey magaalada Garowe uga socdey madaxweynaha Gaas, ku xigenekiisa oo dhinac ah iyo ganacsatada Puntland kuwooda fadhigoodu yahay magaalada Bosaso ayaa ku soo dhamadey in qayb kamid ah go'aankii lagu xanibayey gadiidka ka imaanaya Koonfurta Somalia la qaado.

Kulankaan oo dood badan ka dhalatey ayaa ganacsatada soo jeediyeen in xanibaada lagu soo rogey gadiidka aada gobolada dhexe islamarkana la yimaada hoos u dhac weyn  ku sameeyey guud ahaan dhaqaalaha gobolka gaar ahaan dhoofinta xoolaha.

Wadahadal dheer kadib ayaa kulankaan waxa lagu go'aamiyey in xanibaada laga qaado gadiidka ka imaanaya Koonfurta Somalia oo sida xoolaha nool.

Go'aankaan ayaa wararku sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenka Puntland markii hire aad uga biyo diidey balse ugu dambeyntii la laqaatey Madaxweyne Gaas oo aad dabada uga riixayey in arinkaan dib looga noqdo.

Magaalada Galkacayo oo dadka ku nool u arkeen in go'aanka lagu joojinayo gadiidkaan soo kordhiyey amni iyo shaqo abuur ayaa waxaa maalintii shaley iyo maanta ka dhacay mudaharaadyo looga soo horjeedo go'aankaan.

Dadweyne isugu soo baxey xarunta gobolka horteeda ayaa ku hor gubey taayiro iyagoo sidoo kale wadada ku gooyey gadiid ay  ku diidan yihiin in gawaarida sida xoolaha u gudubto magaalada Bosaaso.

Madaxweynaha ku xigeenka Puntland ayaa go'aankaan gaarey xilli uu magaalada Galkacayo ka dhacey qarax burbur keeney islamarkaana dad badan ku dhinteen.

Go'aamada madaxda sare ee Puntland gaarto ayaa inta badan aan kasoo bixin kulan ay la yeeshaan golahoooda wasiirada [Council of ministers] kuwaasoo marka dambe ku dambeeya in dib looga noqdo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM