​Gaas oo baaq u diray shacabka iyo odoyaasha dhaqanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Shirka golaha wasiirrada Puntland oo maanta shir guddoominayay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jirto kala wareejinta badeecada isaga kala gudbaysa Puntland iyo gobollada Koonfureed ee dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagusoo hadal qaaday amniga guud ee Puntland iyo doorashooyinka dhacaya sannadkan dhammaadkiisa, waxaana shacabka loogu baaqay inay u diyaar garoobaan.

War-saxaafadeed looga hadlayay waxyaabihii kasoo baxay kulankaasi, ayaa lagu sheegay in Puntland amnigeed xoojisay islamarkaana uu yahay mid wanaagsan.

Waxaa sidoo kale lagu xusay in kala wareejinta badeecada aysan ahayn mid dano gooni ah laga leeyahay, balse la doonayo in amniga lagu xaqiijiyo islamarkaana looga hortago fal lamid ah kii dhacay 21 Augusto, 2016.

Mar lagusoo hadal qaaday doorashada, waxaa sidoo kale war-saxaafadeedkaasi lagu yiri in madaxweyne Gaas bulshada ugu baaqay inay soo xulaan dad matali kara magaca Puntland islamarkaan la muujiyo diyaar garow xooggan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM