Gaas oo la shiray hay'ado katirsan Qaramada Midoobay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Garowe shir kula qaatay xubno kasocda hay'adaha Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Puntland.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray waxyaabaha ka fulay qorshayaashii hay'addahan ballanqaadeen inay hirgalin doonaan sannadka 2016 iyo kuwa dhiman sababta u baaqdeen.

Dood iyo falanqayn kadib madaxweyne Gaas ayaa u mahad-celiyay hay'adda UNDP isagoo ku ammaanay doorka ay ka qaataaday dhismaha Buundo laga hirgaliyay deegaanka Xaabo ee gobolka Bari kaasoo dhibaato xooggan kala kulmi jireen Jaan badda ka yimaada oo kala xiray labo xaafadood oo magaaladu ka koobantahay.

Dhaqaalaha beesha Caalamka ee lagusoo qaato magaca Puntland ayaa shirka lagusoo hadal qaaday, waxaana madaxweynuhu codsaday  in lala socodsiiyo dowladda si loo ogaado in la gaarsiiyay meelihii loogu talo galay iyo in kale.

Madaxweyne Gaas ayaa hay'adaha u jeediyay codsiyo dhawr ah, wuxuuna marka koowaad ka dalbaday inay dar-dargaliyaan mashaariicda ay ka fuliyaan deegaanada Puntland isagoo ugu baaqay inay gaarsiiyaan deegaanada laamiga ka baxsan.

Gaas ayaa sidoo kale dalbaday in loo soo gudbiyo shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada hay'adaha Qaramada Midoobe ee aysan ku jirin Ajaanibka kuwaasoo la sheegay in laga qaadi doono canshuurta kuwaajibtay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dowladdu uu hogaamiyo madaxweyne Gaas kor u qaaday canshuurta laga qaado shaqaalaha iyo bulshada ku dhaqan deegaanada Puntland, balse majirto wax isbadal ah oo ay sameeysay marka laga reebo dhaqaalo xumo iyo cabasho dhanka mushaharka ah oo lasoo daristay ciidamada iyo dhammaan shaqaalaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM