Gaas oo lagu eedeyey musuqmaasuqa degmada Galakacayo [Dhageyso]

Image

GALKACAYO-Muran siyaasadeed oo ka dhex-taagan Gollaha degaanka ee Magaaladda Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug oo maraya meel xasaasi ah ayaa wuxuu haatan gabbi ahaanba sameeyay xafiisyadda dowladda oo aysan waqti xaadirkaan ka jirin wax shaqo ah.

Khilaafka oo soo ifbaxay markii xilldhibaanadda Gollaha degaanka ay mooshin kasoo gudbiyeen Gudoomiyaha degmada Galkacayo, ahna Duqa Magaaladda Maxamuud Yasiin Axmed Tumeey, ayaa hadda umuuqda mid galaya mar-xalad kale oo xasarad abuuri karta.

Mudanayaasha mooshinka gudbiyay ayaa dalbanaya in Gudoomiye Tumeey uu hor-yimaaddo Gollaha si su'aallo looga weydiiyo musuq-maasuq, iyo wax-isdabamarin baahsan oo la sheegay inuu aafeefeeyay xafiisyadda dowladda ee degmadda Galkacayo.

Xilldhibaanadda ayaa sheegay in tirro Labo jeer ah oo ay ubalan-sanaayeen in Duqa Galkacayo lasoo Golle-joojiye uu baajiyay Gudoomiyaha, islamarkaana xafiisyadda shirka lagu qaban lahaa gabi ahaanba laga xirtay Mudanayaasha.

"Golluhu wuxuu diyaar uyahay inuu guto waajibaadkiisa. Tirro Labo jeer ah ayaanu ku balanay inuu Gudoomiyuhu yimaado Gollaha, labadda jeerba iyadoo xafiiskii xiran yahay ayaanu unimid. Waxay ka dhigan tahay inaanu dooneyn inu Golluhu hor-yimaado," ayuu yiri mid kamid ah Xilldhibaanada.

Dowladda Puntland, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayay Xilldhibaanadda shaaca ka qaadeen inay wax badan kala socdaan xaaladda khalafsan ee ka taagan Galkacayo, iyaga oo carabka ku dhuftay in xitaa Madaxweyne Gaas uu arrintaan ka dherag-san yahay.

"Cid aan ka war hayn xaaladda Galkacayo ma jirto. Dowladda dhexe iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha marar badan ayaan kala hadlay inay soo fara-geliyaan arrintaan. Hadii ay wax ka qaban wayaan, waxaana aragnaa in Madaxweyne Gaas uu raali ka yahay in Umadda musuq lagu maamulo," ayuu raaciyay Xilldhibaanka.

Xilldhibaanadda ayaa iska fogeeyay eedda ah inay iyaga caqabad ku yihiin howlaha dowladda, iyaga oo ku dooday inay doonayaa inuu dhoco isla xisaabtan, maadaama sida ay hadalka udhigeen ay arkeen dhibaato wayn oo ka taagan degmadda Galkacayo.

Ugu dambeyn, Xilldhibaanadda ayaa waxay wacad ku mareen in hadii maalmaha soo aadan uu Gudoomiyaha degmadda Galkacayo hor-imaan waayo Gollaha ay go'aan kama dambeys ah ay iyaga ka qaadan doonan mustaqbalkiisa maamulkiisa degmadda.

"Inaga kuma imaan Digreeto waxaanu nahay kuwa lasoo doortay, waxaana metalnaa shacabka Galkacayo, inaga ayaana iska leh, mana yeelanayno in sharci daro dadka lagu maamulo, sidaas darteeda Sabtida go'aan ayaan ka qaadan doonaa hadii uu Golluhu imaan waayo," ayuu kusoo xiray hadalka.

Sikastaba, Xilldhibaanadda Gollaha deegaanka ee Magaaladda Galkacayo ayaa qorsheynaya in marka uu Duqa Galkacayo yimaada Gollaha ay xilka ka qaadaan, kadib markii ay kusoo eedeeyeen mowjado eedaymo oo musuq-maasuq ah, taasoo sabab u ah inaanu Golluhu imaan.

Madaxweyne Gaas ayaa mar sii horeysay wuxuu kala diray Gollayaasha degmooyinka Garowe iyo Boosaso, kuwaasoo aanan wali yeelan Golle deegaan oo lasoo doortay, laakiin ay ka shaqeeyaan Gudoomiyaal ku magacaaban digreeto madaxweyne.

Halakaan ka dhageyso wareysiga xildhibaanka golaha degaanka

Related Articles

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM

Khasaaro ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Dangoronyo

Shilkaan ayaa ku soo beegmaya kadib markii xalay Roobab daadad wata ay ka da'een Gobalada Puntland.

  • Puntland

    05-05-2024

  • 12:57PM