​Gaas oo u jawaabay Xasan Sheekh [Dhagayso]

Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa galabta xilli uu soo gaaray magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug jawaab ka bixiyay hadal dhawaan uu warbaahinta ka sheegay madaxweynaha Somalia Xasan sheekh Maxamud, kaasoo Puntland ku tilmamay inay ka koobantahay Labo gobolka iyo Bar.

Gaas ayaa hadalkaasi xilli uu warbaahinta la hadlayay ku tilmaamay mid nacasnimo islamarkaana aan laga fiirsan, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ku sifeeyay mid aan dalka uu hogaamiyo kala aqoon.

‘’ Puntland hadalka Xassan Sheikh ku waynaan mayso kuna yaraan mayso, 5 gobol ayaa lagu aas aasay iyo magaalada Buuhoodle, hadana waa 9 gobol, ’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas oo hadalka sii wata ayaa sheegay in haddii uusan dalka kala aqoon madaxweynuhu iyagu hadda barayaan, "Haduusan madaxweynuhu aqoon anagaa barayna hadda oo u sheegayna, ha daawado oo ha barto dalkiisa".

Jawaabtan ayaa timid xilli siyaabo kala duwan loo dhigay hadalka Xasan Sheekh ka sheegay TV Universal xilli uu ka hadlayay arrimo ku aadan gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM