​Gaas oo xilkii ka qaaday wasiirka Dekadaha Puntland iyo mas'uul lasoo magacaabay

Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in wareegto Madaxweynaha Puntland soo saarey caawa xilka kaga qaadey wasiirkiisa dekadaha Cabdulahi Jamac Salax.

Isla qoraalkaan kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa xilkaan loogu magacaabey Siciid Maxamad Raage oo horey xilkaan u hayey waqtigii Puntland ka arimineysay dowladii Cabdiraxman Maxamad Farole. 

Wararka ayaa sheegaya in magacabistaan aheyd mid kaliya balse aysan wehelin xubno kale oo xilal loo magacaabey. 

Siciid Maxamad Raage oo xilkaan marar kale duwan kasoo shaqeeyey ayaa ah sidoo kale siyaasi awood ku leh gobolka Barri. 

Xilka qaadista wasiirkii hore ee dekada Puntland ayaa imaaneysa xilli xukuumada Madaxweyne Gaas ku guuldareysatey in hirgaliso Mashruuc ay sheegtey in dekada Bosaso lagu balaarinayo kasoo heshiis kula gashey Ganacsade Falstiini ah oo degan wadanka Imaradaka Carabta. 

Wasiirka xilka laga qaadey Cabdulahi Jamac Salax ayaa kamid ahaa xubnihii aadka ugu ololeynay in Mashruuca lagu balaarinayo dekada Bosaso heshiiskaan lagula galo Ninkaan Falastiiniga ah. 

Magacabista Madaxweyne Gaas ayaa imaaneysa xilli la sugayey in la sameeyo isku shaandheyn balaaran madama inta badan wasaaraha Puntland noqdeen kuwo fadhiid ah. 

Dhowaan ayaa waxaa iska casiley xilalkoodii wasiiro ka tirsan xukuumada Madaxweyne Gaas kuwasoo la sheegey iney waayeen adeegyadii ay ku socodsiin lahaayeen howl-maalmeedka wasaaradihii ay madaxda ka ahaayeen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM