​Gaas: Shirka Kismaayo Ujeedo gooni ah lagama laha

Image

BOOSAASO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u dhoofay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland halkaasoo ay ka dhici doono shir looga hadlayo xaaladda dalka.

Cabdiwali Gaas ayaa farxadweyn ku tilmaamay ka qayb galkiisa kulankaas oo uu sheegay in waxyaabo badan looga hadlayo gaar ahaan wada-shaqaynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

“Waxaa farxad weyn noo ah inaan maanta aadayo magaalada Kismayo, kaga qayb galayo shirka madaxda dowladda goboleedyadu isugu imaanayaan.” Ayuu yiri Gaas.

Isagoo tafaasiil kooban ka bixinayay Ajandayaasha diiradda lagu saari doono shirka Kismaayo, wuxuu sheegay inay ka tashan doonaan qodobo ay kamid tahay Wada-shaqaynta maamullada, qaybsiga Khayraadka dalka iyo hormarka Soomaaliya.

 “Shirkan tafaasiil badan ayaa laga bixiyay, laakiin guntu waxaa weeye in maamulladu isu yimaadaan, danahooda iyo duruufaha gaarka u ah kawada hadlaan, taas macnaheedu maaha in ujeedo gooni ah laga leeyahay, ee waxaa weeye in laga tashado howlaha qaranka ee socda oo ay kamidyihiin Dastuurka, awoodqaybsiga, qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, marka waxaa jira waxbadan oo si gooni ah u khusaynaya iyaga oo u baahan inay kawada hadlaan,” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland mar uu ka dhoofayay maanta magaalada Boosaaso.

Wuxuu tilmaamay in heshiiska kulankaas uu dhabada u xaarayo in maamullada dalka iyo dowladda dhexe si dhow u wada shaqeeyaan oo ay ka qayb qaataan masiirka, hormarka iyo geedi socodka nabadda Soomaaliya.

Cabdiwali Gaas ayaa ugu dambayn rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo wanaagsan kasoo baxdo shirkaas ka furmi doona magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa ahaa mas’uulkii ugu dambeeyay ee maanta tagaya Magaalada Kismayo, waxaana kasii horeeyay madaxda maamullada Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug.

Halkan ka Daawo shirka Jaraa'id ee Madaxweyne Gaas ku qabtay magaalada Boosaaso

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM