​Gabdhaha gobolka Nugal oo Cusbitaal dhisaya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Gabdhaha kasoo jeeda gobolka Nugal ee ku nool dalka iyo dibadda ayaa shaaciyay inay dhisayaan cusbital loogu talo galay hooyada iyo dhallaanka kaasoo laga hirgalin doono xaafadda Waabari ee caasumadda Puntland.

Kulan galabta lagu qabtay magaalada Garowe, ayaa arrintaasi haweenku ku shaaciyeen iyagoo sidoo kale bulshada ugu baaqay inay ka qayb qaataan bixinta kharashka kubaxaya oo dhan $200,000 halka ay sheegeen inay gacanta ku hayaan ku dhawaad $80,000.

Munaasabaddan ay soo abaabuleen xubnaha u istaagay dhismaha cusbitalkaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaano, duqa degmada Garowe, siyaasiyiin, xubno katirsan kuwa u ololeeya caawinta bulshada, dhalinyaro iyo haween.

Haweenka barnaamijkan khayriga ah u istaagay ayaa madasha kusoo bandhigay waxqabad ay samaynayeen muddooyinkii u dambeeyay, waxaana ay doorweyn kasoo qaateen biyo dhamin loo sameeyay dad tabaalaysnaa, dagaalladii ka dhacay gobolka Nugal iyo hormarro kale, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin sidii ay u taakulayn lahaayeen bulshadooda.

Qaar kamid ah xubnihii kasoo qayb galay ayaa gabdha gobolka Nugal ku ammaanay isku duubnida ay sameeyeen iyagoo xusay in gabdhuhu yihiin kuwii bad-baadiyay bulshada Somaliyeed mudadii lagu jiray dagaallada Sokeeye.

Mudane katirsan Barlamanka Puntland oo goobta joogay ayaa xusay in barnaamijkan u gudbin doono Xildhibaanada kale islamarkaana ay kasoo bixi doonaan kalintooda.

Duqa degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa xusay inuu muddo garab taagnaa Haweenka gobolka Nugal ee u istaagay kaalmaynta bulshada isagoo xusay inuu siiyay dhul ay ka dhistaan cusbitalka waloow gabdhuhu xuseen inuu ku yaraaday islamarkaan dhexdooda lacag iska aruuriyeen si booska loo ballaariyo.

Intii xafladdu socotay, waxaa xubnihii kasoo qayb galay ay iska aruuriyeen lacag kabadan $6,000.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM