Gabi-gabi: Duruufo ayaa haysta ciidanka gobolka Mudug"

Image

GALKACYO- Taliyaha ciidanka Birmadka gobolka Mudug Cabdirashiid Xasan Gabi-gabi, ayaa ka hadlay ammaanka magalada Galkacyo iyo sababaha kalifay inay dhacaan dilal qorshaysan oo lala beegsanayo haldoorka gobolka, wuxuu arrintaasi u aaneeyay arrimo dhawr ah.

Gabi-gabi oo la hadlay Radio Daljir, ayaa sheegay inaysan magaaladu lahayd ciidamo Booliis oo ku filan, halka kuwa jooganaya aysan haysan daryeel u saamaxaya inay hantaan amniga Galkacyo, wuxuuna codsaday in la kordhiyo tirada ciidamada ka howgala xarunta gobolka Mudug.

Wuxuu  sidoo kale tilmaamay inuusan amnigu sugnayn oo ay dhacayaan dilal qorshaysan, taasoo sabab uga dhigay duruufo haysta ciidamada, wuxuuna shacabka ka codsaday inay kala shaqeeyaan qaabkii amniga gacanta loogu soo celin lahaa, wuxuuna ku dhaliilay bulshada inaysan la shaqayn laamaha nabadgalyada.

Taliyaha ciidanka Birmadka gobolka Mudug, ayaa sidoo kale xusay in magalada ka arrimiyaan labo maamul islamarkaana ay adagtahay in la ilaaliyo dhaq-dhaqaaqa bulshada, wuxuuna sheegay in la isaga dhex goosho labada qaybood ee Galkacyo iyadoo aysan jirin wax la socod ah.

Wuxuu tilmaamay inay samayn doonaan barnaamij lagu darisaynayo xaafadaha magalada isagoo sheegay in taasi sahli doonto sidii loo yarayn lahaa falalka amni darro ee soo badanaya.

Hadalka Gabi gabi, ayaa kusoo aaday xilli Arbacadii lasoo dhaafay la dilay guddoomiyihii haweenka gobolkaasi, iyadoo ilaa hadda aysan jirin cid loo soo qabtay dhacdadaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM