Ganacsatada Somaliland ee ku sugan Garowe oo u jawaabay Faysal [Daawo]

Image

GAROOWE, Puntland- Ganacsatada kasoo jeeda deegaanada Somaliland ee ku sugan magaalo madaxda Garoowe ayaa u jawaabay Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo dhawaan hadal ka dhan ah Ardayda reer Puntland eek u sugan Boorama ka jeediyay warbaahinta.

Qaar kamid ah Ganacsatadan oo dukaamo ku leh suuqa Injida ee Garoowe, ayaa saxaafadda u sheegay in hadalkaasi uu ahaa mid ka turjumaya maan-yarida Faysal Cali Waraabe iyagoo ku baaqay in cidii ehel ugu dhow ay ka qabsadaan shacabka.

Waxay sheegeen in shacabka labada maamul uu ka dhaxeeyo is-kaash iyo walaaltinimo soo jireen ah taasoo keentay inay ku ganacsadaan magaalada Garoowe, waxayna ugu baaqeen siyaasiyiintu inaysan dab ka dhex-shidin shacabka.

Guddoomiyaha Ganacsatada Somaliland eek u sugan Puntland, Xaaji Farabadane, oo sheegay inay aad ugu xunyihiin hadalkii Faysal islamarkaana uu ahaa mid aan ka turjumayn shacabka Somaliland, wuxuuna u mahadceliyay dadka reer Awdal iyo jaamacadda Camuud oo si wanaagsan uga hadlay arrintaan.

Xaajiga ayaa sidoo kale ammaan shacabka reer Puntland oo uu tilmaamay inay si wanaagsan u soo dhaweeyeen islamarkaana u hayaan tixgalin qadarin ka weyn middii ay ku haysteen Hargaysa.

Farabadane, wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan Sool.

Hadalka ganacsatada ayaa yimid xilli aad looga carooday hadal dhawaan kasoo yeeray Guddoomiyaha xisbiga UCID, kaasoo horay looga bartay hadallo dhaleecayn ah. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM