Garoonka diyaaradaha Garoowe oo xarigga laga jarayo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa goordhow xariga laga jari doonaa, balse waxaa hadda gudaha madaarka ku sugan, mas'uuliyiin, marti, xubno ka socda hay'adaha caalamiga ah iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Hool KMG ah oo laga sameeyay Garoonka diyaaradaha Garoowe, ayaa xafladdu ka socota, waxaana lagu wadaa inay goordhow soo gaaraan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland. Sidoo kale waxaa garoonka soo gaaray wufuud kala duwan oo la sheegay inay ka socdaan waddamada dariska ah. Garoonka ayaa dhismahiisu qabyo yahay, balse waxaa xarigga looga jari doonaa si KMG ah. Waa Madaarkii 2aad ee casri ah oo Puntland laga dhiso, waxaana xarig jarkiisa lagusoo beegay xilli xukuumadda hadda talada haysa ay caawa u dabaal dagi doonto 4 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay qabatay hogaaminta maamulkan. GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM