Garoowe: Agaasinkii maamulka Maaliyada Telefishinka Puntland oo lacag la baxsaday

Image

GAROOWE, Puntland- Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Agaasimihii Maamulka Maaliyadda Telefishinka dowladda Puntland (Puntland TV), Maxamud Khaliif uu la baxsaday lacag loogu talo galay shaqaalaha TV-ga subaxnimadii hore ee saaka.

Sida ay GO u xaqiijiyeen dad xog ogaal ah agaasimhii maamulka lacagta iyo Maaliyada u joogey Talefishinka ayaa khasnadda dowladda kasoo saaray lacag gaaraysa $22.000 dollar oo loogu talagalay shaqaalaha Warbaahinta dowladda.

Shaqaalaha TV-gan ayaa wax xuquuq ah helin muddo shan bilood ah, waxaana lacagtaasi ahayd mushaharka hal bil, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Lama oga sababta ku keentay agaasimahaan inuu qaato mushaharka shaqaalaha, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu khilaaf hoose kala dhaxeeyay Agaasime ku-xigeenka TV-ga dowladda Daahir Cabdulqaadir Aflow.

Khilaafkaas ayaa sida la sheegay salka ku hayo shaqaalaysiin shakhsiyaad lagu keenay qaab Eex ah iyo arrimo kale.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka TV-ga dowladda oo ku aadan in lala goostay lacagtaas. Sidoo kale wax war ah lagama hayo halka Xisaabiyuhu la aaday xaqii shaqaalaha.

Falkan oo ka dhacay caasimadda Garoowe, ayaa kusoo aadaya xilli duruufo adag ay ku shaqeeyaan wariyaasha iyo shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Telefishinka dowladda Puntland, kaasoo tan iyo markii uu xilka Qabtay Madaxweyne Gaas la soo daristay maamul xumo iyo lunsashada xuquuqda shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM