​Garowe: Dad ku dhintay muran ka dhashay Dhul

Image

GAROWE, Puntland- Dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay duleedka magaalada Garowe caasumadda Puntland gaar ahaan dooxada Jibagalle.

Isku dhacan oo u dhaxeeyay kooxo iska soo horjeeda oo muddooyinkii dambe ku muransanaa dhul ayaa lagusoo waramayaa inuu sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac saddex kale.

Kooxaha dagaallamada midkood waxay taabacsanaayeen Dariiqada Xerta iyadoo dagaalkaas la isu adeegsaday qoryaha fudud.

Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa la keenay magaalada Garowe, waxaana ku baxay ciidamo kasocda dowladda kuwaasoo kala dhexgalay mallayshiyaadka labada dhinac.

Dagalkan ayaa yimid xilli shalay aad looga hadlay muranka dhulka iyo dhibaatada uu ku hayo caasumadda.

Sanadihii u dambeeyay waxaa sii xoogaysanaya magaalada Garowe dilalka ay geysanayaan kooxaha Burcad Dhuleedka mana jirto ilaa iyo hadda talaabo ku haboon oo uu ka qaaday Maamulka Puntland.

Dhacdadii ugu dambaysay ayaa la xariirtay murano kale oo dad ku dhinteen kuwaasoo salka ku haya Dhul boobka iyo khilaafaadka ka dhasha.

Xiisadda dagaalkii saaka ayaa laga dareemayaa goobaha la isugu yimaado inkastoo ilaa hadda dhacdadaas aysan ka hadlin xukuumadda Puntland oo lagu eedaynayo inay aad uga gaabisay wax ka qabashada masiibadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM