Garowe: ​Idaacadda Daljir oo la xiray

Image

GAROWE- Waxaa goordhaweyd Albaabada loo laabay Idaacadda Daljir xarunteeda magaalada Garowe, kadib amar la sheegay inuu kasoo baxay dowladda Puntland.

Tallaabada lagu xiray xaruntan, ayaa waxaa loo aaneynayaa waraysi ay kaqaaday Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan maalintii shalay, xilli uu tagay degmada Carmo gobolka Bari.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland oo maanta la hadlay Radio Daljir, ayaa ku hanjabay inuu dili doono saxaafiyiinti, wixii hadda ka dambeeyana adeegsan doono rasaas.

Hadalka iyo qoraalka Soocadde, waxaa maanta cambaareeyay saxafiyiinta ku sugan Garowe, iyagoo gaf iyo khalad ku tilmaamay in mas'uul dowladeed si bareer ah u sheego inuu ka tallaabsanayo sharciga.

Hanjabaada iyo xariggan ayaa imaanaya xilli maalintii shalay wasiir Soocadde soo saaray amar oo ku joojinayo in waraysi laga qaado Guddoomiyihii hore gobolka Bari, kaasi oo ku tilmaamay Argagixiso xiriir la leh Burcad badeeda.

Tan iyo markii wasaaradda warfaafinta Puntland madaxweyne Gaas u dhiibay wasiir Soocadde, waxaa cirka isku shareeray khilaafka iyo isfahamwaaga kala dhaxeeya warbahinta, isagoo intii uu xafiiska joogay xiray Wariyaal, xarumo warbaahineed iyo hanjabaad ay ugu darnayd middi maanta kasoo yeertay.

Arrintan, ayaa meel ka dhac ku noqonaysa dastuurka iyo qaanuunka warbaahinta ee dalka u yaalla, kaasoo si cad u sheegay Soocade inuu ka tallaabsanayo islamarkaana uusan ku dhaqmayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM