Garowe: ​Idaacadda Daljir oo la xiray

Image

GAROWE- Waxaa goordhaweyd Albaabada loo laabay Idaacadda Daljir xarunteeda magaalada Garowe, kadib amar la sheegay inuu kasoo baxay dowladda Puntland.

Tallaabada lagu xiray xaruntan, ayaa waxaa loo aaneynayaa waraysi ay kaqaaday Guddoomiyihii hore gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan maalintii shalay, xilli uu tagay degmada Carmo gobolka Bari.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland oo maanta la hadlay Radio Daljir, ayaa ku hanjabay inuu dili doono saxaafiyiinti, wixii hadda ka dambeeyana adeegsan doono rasaas.

Hadalka iyo qoraalka Soocadde, waxaa maanta cambaareeyay saxafiyiinta ku sugan Garowe, iyagoo gaf iyo khalad ku tilmaamay in mas'uul dowladeed si bareer ah u sheego inuu ka tallaabsanayo sharciga.

Hanjabaada iyo xariggan ayaa imaanaya xilli maalintii shalay wasiir Soocadde soo saaray amar oo ku joojinayo in waraysi laga qaado Guddoomiyihii hore gobolka Bari, kaasi oo ku tilmaamay Argagixiso xiriir la leh Burcad badeeda.

Tan iyo markii wasaaradda warfaafinta Puntland madaxweyne Gaas u dhiibay wasiir Soocadde, waxaa cirka isku shareeray khilaafka iyo isfahamwaaga kala dhaxeeya warbahinta, isagoo intii uu xafiiska joogay xiray Wariyaal, xarumo warbaahineed iyo hanjabaad ay ugu darnayd middi maanta kasoo yeertay.

Arrintan, ayaa meel ka dhac ku noqonaysa dastuurka iyo qaanuunka warbaahinta ee dalka u yaalla, kaasoo si cad u sheegay Soocade inuu ka tallaabsanayo islamarkaana uusan ku dhaqmayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM