​Garowe oo laga xusay Todobaadka Naas-nuujinta Aduunka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Munaasabad lagu maamuusayay todobaadka Naas-nuujinta Aduunka ayaa maanta 15 Augost, 2017 lagu qabtay magaalada Madaxda Puntland ee Garowe, kaasoo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin katirsan wasaaradda dowladda, hay’ado caalami ah, Xirfadlayaal caafimaad iyo Marti sharaf u badnaa haween.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hooyinka loogu wacyi galin lahaa Nuujinta Dhallaanka muddo Labo Sano ah, si looga hortago in carruurtu noqdaan kuwo u nugul cudurada.

Cabdirasaaq Garweyne oo ah ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu wacyigalinayo bulshada islamarkaana lagu raadinayo in hooyo kasta Ilmaheeda Nuujiso waqtiga shareecada Islaamku jidaysay.

Garweyne ayaa intaas ku daray in wasaaraddu ku dadaali doonto sidii Wacyigalinta loo gayn lahaa degmo kasta oo katirsan Puntland islamarkaana ay wadi doonaan muddo 7 maalmood ah.

Dr Siciid Shanlleeye oo isna ka hadlayay marxaladda Naas-nuujinta Ilmaha ayaa xusay in hooyinku aysan sidii loogu baahnaa Ilmaha usii Caanaha Naaska islamarkaana ku barxaan kuwo kale sida caano Booraha.

Shanleeye ayaa ku baaqay in xoogga la saaro sidii loo tir-tiri lahaa dhaqanka ah in Ilmuhu uusan ka maarmin caano kale oo ka baxsan kuwa hooyada.

"Cunug kasta oo ka yar 4 bilood ee la siiyo Caano Boore, wuxuu halis ugu jiraa inay ku dhacdo Sonkor," Sidaas waxaa yiri Dr. Siciid Shanleeye isagoo ku baaqay in Tacliinta lagu baro sidii dadka loo bari lahaa Naas-nuujinta iyo ilaalinta fayo-dhowrka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland iyo wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka ayaa ku baaqay inay kor loo qaado Naas nuujinta Carruurta iyagoo intaas ku daray in faa’iido ugu jirto qorshahaas qoyska, dhaqaale ahaan iyo caafimaad ahaan intaba.

Ugu dambayn wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke oo kulanka soo xiray ayaa faah faahin Naas nuujinta iyo sida ay muhiim ugu tahay hooyadu inay ku dhiirato, wuxuuna sheegay in Hooyo kasta oo Ilmaheeda Caanaha Naaska u dhigta aysan lamid ahayn kuwa kale ee aan Samayn Naas nuujinta.

Wuxuu daliil usoo qaaday in Carruurta Naaska nuuga iyo kuwa kale aysan isku mid ahayn islamarkaana ukala baarisanyihiin Waalidkooda, isagoo intaas sii raaciyay inay ku sareyaan dhinaca Aqoonta.

Arrintan ayaa timid xilli hooyooyin badan aysan sidii loogu talo galay aysan naaska u siin Carruurtooyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM