Golaha Xukuumada Puntland oo ansixiyey xeer muhiim ah

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu gudoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda dowladda Puntland.

Kulanka oo ka qabsoomey Madaxtooyadda magaaladda caasimada ah ee Garowe ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan xubnaha Laanta Fulinta.

Wasiiradda oo ugu horeyn fahfaahin la xiriirta ammaanka dalka ka dhageystay Wasaaradda Amniga ayaa bogaadiyey warbixinta oo sheegtay in nabad-galyadu ay hagagasan tahay.

Wasaaradda Tacliinta oo ka warantay shaacinta natiijada Imtixaanka Shahaadiga Puntland ayaa waxaa madaxweynuhu u hambalyeeyay Ardayda oo natiijo wanaagsan shaqeystay.

Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey Xeerka Maareynta Dhulka Magaalooyinka kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Guryenta dowladda Puntland.

Ugu dambeyntii, Wasaaradda Duulista Hawada ayaa shaaca ka qaadey in ay isu diyaarineyso soo dhaweynta duulimaadyo caalami oo Puntland ka bilaaban doona.

Duulimaadka ugu soo horeeya ayaa wuxuu noqon doonaa Ethiopian Airlines, taasi oo 15-ka bishan July 2019 duulimaadyo joogto ah ka hirgelineysa Garowe iyo Boosaaso.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM