​Gole deegaan oo loo dhisayo degmada Dangoroyo

Image

GAROWE, Puntland- Degmada Dangoroyo gobolka Nugal, waxaa kasocda diyaar garow xooggan oo ku saabsan dhismaha golaha deegaanka degmadaasi oo maanta ugu dambayso soo gudbinta codsiyada kamid noqoshada Xildhibaanada.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda ayaa degmada tagay, waxaana wararka aan helayno sheegayaan in ugu dambayn 02:00PM Saacadda Bariga Africa ku egtahay qabashada Araajida, wixii xilligaasi ka dambeeya guddiga Khilaafaadku soo kala xuli doonaan.

Dadka deegaanka qaybtood ayaa gudbiyay ilaa 2 xubnood oo isku meel kasocda.

Degmadan ayaa kamid ah degmooyinka loo yaqaano B, waxayna xaq u leedahay ilaa 21 xubnood, waxaana la filayaa in tirada dheer ka reebaan guddiga khilaafaadka doorashada iyo dhismaha golahaasi.

Xaaladda magaalada Dangoroyo ayaa haatan ka duwan sidii hore, waxaana aad loo hadal hayaa cidda loo dooran doono Guddoomiye iyo ku-xigeen iyadoo ay jiraan rag badan oo iyaguna isa soo sharaxay.

Maalinta barri ah ayaa la filayaa in la guda galo dhismaha golaha deegaanka degmada Dangoroyo, waxaan 13 bisha tagi doona wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilm Cismaan oo ah guddoomiyaha guddiga khilaafaadka iyo dhismaha golaha deegaanka Degmada Dangoroyo Iyo saraakiil kale oo ka tirsan gobolka Nugaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM