Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Image

Garoowe, Talaado, 15 Luulyo 2025 – Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa fadhigii maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay aqbalaadda luminta xubinnimada Golaha ee Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Codbixinta Golaha ayaa u dhacday sidatan:

38 Xildhibaan ayaa oggolaaday
1 Xildhibaan ayaa diiday
4 Xildhibaan ayaa ka aamusay

Go’aankan ayaa ka dhigan in Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil si rasmi ah uga baxay xubinnimada Golaha Wakiillada Puntland, iyada oo aan la faahfaahin sababta rasmiga ah ee keentay luminta xubinnimada.

13-kii bishan, Xeerilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa amar bixiyey in la soo xiro Cabdirashid Yuusuf Jibriil, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada Puntland.

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland iyo inuu ku xadgudbay qodobbada 221, 223 iyo 233 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (X.C.S).

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in uu damacsanaa in gobolka Sanaag ka kaxeeyo ergooyin ka qaybgalka shirweynaha Laascaanood ee lagu dhisayo maamulka Khaatumo.

Cabdirashid, oo sida la rumeysan yahay ka warqabay amarada lagu soo qabanayo, ayaa maanta inta aan la furin shirweynaha Laascaanood si lama filaan ah ugu dhawaaqay iska casilaaddiisa xildhibaanimo ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM