Guddiga Doorashada KMG Puntland oo Lagu Eedeeyey Ansaxin Ururo

Image

GAROWE- Guddiga doorashada KMG ah ee Puntland oo ku dhawaaqey 5 urur siyasadeed 03/03/2018 ay ku sheegeen iney isku diwaan galiyeen sidii ay uga qayb gali lahaayeen doorashooyin waqtigii lagu hirgalin lahaa dhamaadey ayaa wararka laga  helayo waxay sheegayaan in qaarkood loo wato iney noqdaan xisbiyo siyasadeed ee ka howlgala siyaasada Muqdisho.

Wararka ku xeeran ujeedka laga leeyahay diwaan galinta ururadaan ayaa sheegaya in milkiilayaasha iska leh qaarkood xubno ka yihiin Barlamanka Federaalka Soomaaliya halka kuwo kale magalada Muqdisho u joogaan sidii ay u diwaan galin lahaayeen.

Ururadaan oo aan buuxin shuruudahii sharcigu qabey kuwasoo ahaa iney xafiisyo ku leeyihiin 9 gobol ee Puntland, iney 300 tageerayashooda ah saxiixyadooda soo gudbiyaan iyo iney qabsadaan shirwaynaha xisbiga kuna doortaan guddiga joogtada ah iyo xoghayaha ururka ayaa sida la rumeysan yahay dhamaantood aysan jirin.

Dadweynaha Puntland gaar ahaan kuwooda isticmaala baraha bulshada ayaa waxay aad u dhaliileen Guddiga doorashada KMG ah ee Puntland qaabka ay u soo bandhigeen ururadaan iyo sida aysan uga muuqan sharciyad dhab ah diiwaan galintooda.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo talada Puntland la wareegey xilli barnaamijkaan meel wanaagsan la gaarsiiyey ayaa mudadii xilka uu yahay wax la taaban karo ka qaban sidii shacbaka Puntland ugu gudbi lahaayeen nidaam doorasho oo ku saleysan Hal Cod Hal Qof.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM